Ardayda Dugsiyada sare ee dalka ayaa saaka u fariisanaya Imtixaanka shahaadiga ah oo ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Soomaliya, kaas oo sanad waliba wasaaraddu qaado.
In ka badan 37-kun oo arday ayaa galaysa Imtixaanka, oo ka bilaabanaya xarumo ku yaalla Muqdisho, Galmudug, Koofur Galbeed, SCC Khaatumo, Hirshabeelle iyo Jubbaland, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland.
Goobaha lagu gelayo Imtixaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxeyna dowladda sheegtay in ay u diyaarisay ku dhawaad 2,000 askari oo ilaalinaya.




From the comments