Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab ka sameyey Deegaano hoos yimaada Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, xilli dhowaan gobolka saraakiil lagu dilay.
Intii ay socdeen howl-galladu ciidanka ayaa burburiyey goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, kuwaas oo fariisimo u ahaa sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay Sandheere Xasan Aadan iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka koofur galbeed.




From the comments