Ireland, Norway iyo Spain oo kamid ah dalalka reer Yurub ayaa maanta si rasmi ah u aqoonsan doona dowladda Falastiin, kulan la filayo inuu ka dhaco magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana lagu wadaa in ay sidoo kale tallaabadaan ay ku dayadaan dowlado dhowr todobaadyada soo aadan ee June.
Saddexda waddan ee Yurub waxay rajeynayaan in ficilka astaantu u badan yahay uu diiradda saari doono baahida loo qabo in la soo afjaro tobanaan sano oo dagaal ah oo ka socday Bariga Dhexe iyo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xal laba dawladood ah oo Israel iyo Falastiin ah looga helo aaga Bariga dhexe.
Israa’iil ayaa si caro leh uga jawaabtay, waxayna saddexda waddan ku eedaysay inay abaal-gud u siiyeen argagixisada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israel, waxaana sidoo kale dhacday in safiirradeeda ay kasoo qaadayo dalalkaan aqoonsiga dowladeed siiyay bulsha Falastiin.




From the comments