Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraayo leh u diray Allah u naxriistee Marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) oo lagu dilay magaalada Muqdisho.
Marxuumku ayaa muddo dheer u soo shaqeeyay qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu door wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimada dalka, isagoona xilal muhiim ah ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu mudo dheer ka tirsanaa.
Aadan Biid wuxuu ku suntanaa wadaniyad iyo dal jaceyl, waxaana uu waqtigiisa inta badan ku bixiyay u adeegida shacabka Soomaaliyeed.




From the comments