Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo dib uga bilaabay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanno hoostaga degmada Mahadaay, ciidanka ayaa ku guuleystay in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanno dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ee gobolkaasi.
Deegaanada howlgalka looga saaray kooxda Al-shabaab waxaa ka mid ah Obaale, Damasha shabelow, Calaag iyo Mansuur oo ah dhamaantood deegaano jiinka wabiga Shabeelle ka saaran dhanka Bari oo isugu jira dhul beeraley iyo howd ah, ciidanka ayaa wada howl lagu xaqiijinayo amniga deegaannada.
Taliyaha Ururka 281-aad guutada 28-aad ee Abuu cubeyda ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Duraan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in kooxdii ku sugneyd deegaanadaas laga saaray, islamarkaana ay wabiga uga talaabeen dhanka Galbeed, ciidanka ayaa hadda wada howlgallo looga saarayo jiinka wabiga.




From the comments