Dibadbaxyo looga soo horjeedo dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa kasii socday jaamacadaha ku yaal Mareykanka, ayadoo ay booliiskuna tiro badan oo arday ah xabsiyada u taxaabeen ka dib ay gacanta iskula tageen kumanaan arday oo bannaan-baxyo waaweyn ka wada New York iyo California.
Magaalada New York ayaa lagu xiray 282 oo qof oo kamida ardayda Jaamacada Columbia qeybteeda New York,ayadoo booliisku ay fasaxeen ardaydii ku jirtay Jaamacadda Columbia Hamilton oo dhismeheeda ay dibad-baxayaashu u bixiyeen “Hoolka Mandela” oo ahaa madaxweynihii hore ee koofur Afrika, ayagoo astaan uga dhigaya sidii uu xorriyadda dalkiisa ugu halgami jiray, ugu dambayna ay ardaydu kacdoon bannaan-baxa ku taageereen.
Dhisme kale oo ay jaamacaddu leedahay ayay mudaaharaadayaashu ugu magac dareen “Hoolka Hind’s” oo lagu sharfayo Hind Rajab oo lix jir ah, taas oo ay ayada iyo qoyskeeda ciidamada Israa’iil ku dileen dagaalka Qasa.




From the comments