Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka (Pentagon) ayaa ku dhawaaqday in go’aan ku saabsan xiisadda Iiraan iyo Israa’iil, waxaana bayaanka ka soo baxay pentagon-ka lagu sheegay inaanu dalkau Maraykanka doonayn in colaadaha gobolka bariga dhexe ay sii huraan,balse ay sii wadayaan taageerada ay Israa’iil u fidiyaan.
Afhayeenka Pentagon-ka, Patrick Ryder ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku xaqiijiyay in Mareykanku uusan doonayn in colaaduhu ay ku sii ballaariyaan gobolka, Isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsanayd Mowqifka Maraykanka ee ku aaddan falcelinta ay Israa’iil ay ka bixin doonto weerarkii Iiraan ayuu yiri.
Afhayeenka ayaa sheegay in Mareykanku marnaba dooneynin inuu ka hadlo ka jawaabidda in Israel ay qaadayso tallaabo aargudasho ah “Ma doonayo inaan ku hadlo magaca Israa’iil marka la eego suurtagalnimada ka jawaab ay ka bixiso weerarkii Iiraan, maxaa taasi waa mid u taalla Tel Aviv .”




From the comments