In ka badan 90 qof ayaa ku dhintay dooni ku degtay waqooyiga xeebta Mozambique, sida ay sheegeen maamulka deegaanka, Saraakiisha gobolka Nampula ayaa sheegay in 5 qof la soo badbaadiyay oo ka mid ah ku dhawaad 130 qof oo la rumeysan yahay in ay saarnaayeen.
Dadkaan ayaa doonidu la degtay, kadib markii ay isku dayeen in ay ka cararayeen cudurka daacuunka oo dillaacay dalkaasi , xoghayaha arrimaha dibadda ee Nampula Jaime Neto ayaa sheegay in ay jiraan inta badan cudurro kale duwan oo dalka ku dhuftay isaga oo hadlayay.
Muuqaal aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay daraasiin meydad ah oo xeebta daadsan, kuwaas oo baddu ay soo caarisay saacado kadib, Doonta ayaa ka soo shiraacatay Lunga kuna wajahneyd Jaziirada Mozambique ee ku taalla xeebaha Nampula.




From the comments