Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo ka kala dhacay gobollada Mudug iyo Galgaduud lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, howlgalladaan ayaa ahaa kuwa ay iskakaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caaralamiga ah, waxaana lagu dilay 80 xubnooda sida laga soo xigtay.
Hawlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka bacaadka Faarax Aadan oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo la sheegay iney isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda oo rabay iney weerar ku qaadaan degmada, iyadoo lagu dilay 40 xubnood oo Shabaab ah sida dowladdu ay shaacisay.
Hawlgalka labaad oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas waxaa dowladdu sheegtay in lagu dilay in ka badan 35 xubnood waxaana iska kaashaday ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka taageerayay howlgalkaasi.




From the comments