Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen JImcaale Madaale ayaa markale ku celiyay in socodka maalintii laga mamnuucay gudaha caasimadda gawaarida Kunteennarada Xamabaara, waxaa sidoo kale xadidaad lagu sameeyay xawaaraha ay ku socon karaan, kadib dhacdadii isgoyska Jubba ka dhacday.
Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gawaarida xamuulka ah aan dekadda laga soo fasixi Karin ka hor 10:00 Habeennimo si loo yareeyo khasaaraha ama shilalka ka dhasha marka ay shil ku yimaado oo haddii ay rogmadaan ay ku duldhacaan gawaarida bi’elka ama kuwa Bajaajta loo yaqaanno.
“Hore Awaamiir badan ayaa looga soo saaray gawaarida xamuulka ah ineysan socon Karin maalintii oo habeenkii afarta saac marka ay tahay ama 10:00 habeennimo lasoo fasaxo ama dekadda laga soo fasaxo, marka dambiga waxaa qaadayo cidda soo fasaxday, iyadoo waqtiga amarkaas la bixiyay” ayuu yiri GGB.




From the comments