Maamulka gobolka ayaa maanta soo qabanqaabiyay bannaanbax lagu taageerayo dhameystirka Dastuurka, waxaana bulshada uu horkacayo guddoomiyaha gobolka ay isugu soo baxeen halka lagu magacaabo Tallada Daljirka Daahsoon.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiirro Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno, Senatarro iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgashay isusoobaxaan iyaga oo garab istaag u muujiyay sidii loo dhammaystirilahaa Dastuurka KMG ah.
Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay ka doodista iyo waxkabedelka cutubyada kale ah 1-aad,2-aad, 3-aad iyo 4-aad, waxaana lagu wadaa Baarlamaanku ansixiyaan 4-ta cutub inta aan la aadin fasaxa Baarlamaanku uu gali doono.




From the comments