Munaasabad heerkeedu sareeyo oo aad loo soo agaasimay laguna soo bandhigayay Buugga Hadhiwaa ee uu qoray Maxamed Haldoor ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi oo ka qeybgalay bandhigga Buugga Hadhiwaa ayaa iibsaday 120 buug, isagoo sidoo kale wakiil ka ah Ra’iisul Wasaaraha XFS ka iibiyay 150 taasoo wadarta ka dhigaysa 270 buug.
“Sharaf bay Ii ahayd caaway in aan ka qeybgalo munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo bandhhigayey isla markaana lagu garab istaagayey qoraaga buugga Hadhiwaa Maxamed Haldoor. Waxaan buuggaas ka qaatey 120 xabbo, anigoo sidoo kale ku qaaday magaca Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Md. Xamsa Cabdi Barre 150 buug”.ayuu yiri wasiir Fiqi.




From the comments