Dhoolatus Milatari oo ay soo qaban qaabisay dowladda Mareykanka ayaa ka dhacaya dalka Kenya, kaas oo ay qeybgalaya 22 dowladood oo ka tirsan qaaradda Afrika, Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka qeyb ah dhoolatuskaan Milatari tan iyo markii ay burburtay dowladdii Milatariga aheyd sanadkii 1991-kii.
Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee loo yaqaano Birgediska ayaa ku biiraya ilaa 1,000 askari oo ka kala socda 22 dowladood oo kale kuwaas oo dhoolatuska sanadlaha ah ka qeyb galaya, qorshaha ayaa ahaa inuu ka dhaco xeebaha magaalada Berbera,laakiin dalka Kenya ayaa loo bedelay inuu ka qabsoomo.
Dhoolatuskaan ayaa sidoo kale looga dan leeyahay in lagu caawiyo la-hawlgalayaasha Mareykanka inay u diyaar garoobaan xaaladaha kala duwan, kuwaas oo ay kamid yihiin howlaha gargaarka bini’aadantinimo, musiibooyinka iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka, taas oo ka caawineyso in cilmi ay ka kororsadaan.




From the comments