Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta daahfuray Barnaamijka Shaqo Hufan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Furitaanka munaasabadda waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Xanaannadda Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal, hay’adaha kala duwan ee deeq-bixiyaasha ah, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) iyo madax kala duwan oo munaasabada lagu casuumay.
Ujeedka Barnaamijka ayaa ah in shaqaalaha Soomaaliyeed ay noqdaan shaqaale Sharfan oo dalkooda ugu adeega si hufan, si kuwa cusub ee dowladdu qaadan doontaa ay ugu dhiiradaan shaqada ayna dhallinyaradu ka maarmaan in dalka ay ka tagaan.




From the comments