Kooxda kubadda cagta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta u gudubtay Finalka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib markii Semi-finalka ay kaga adkaatay kooxda Jubbaland.
Kooxda Hirshabeelle ayaa ciyaarta ay la qaadatay kooxda Jubbaland waxa ay aheyd mid labada dhinac ay ismariwaayeen, waxaana ay kusoo idlaatay goolal la’aan, Hirshabeelle ayaa 5-4 kaga gudubtay Rigoorooyin.
Hirshabeelle ayaa Final-ka ku sugeysa kooxaha Galmudug iyo Banaadir oo ciyaaraya barri oo Arbaco ah, waxaana 28 bisha uu noqon doonaa maalinta ugu dambeyso ee la ciyaaro Finalka tartanka koobkaan, kuwaas 2020 tagay finalka




From the comments