Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaalada Marrakish ee dalka Morocco ayaa kulamo gaar ah gaar ah la qaatay Masuuliyiin dowladeed iyo Hey’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda, qeyb muhiim ahna kulahaa arrimaha deyn cafinta iyo dib-u-haneynta Maaliyadda Soomaaliya.
Shir-doceedyadan uu galay Wasiirka Maaliyadda ayaa dhamaantood waxa ay ku qotomaan hannaanka dib-u-eegista Maaliyadda, dib-u-habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka waxaana ugu horreeya,
Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda, dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Dowladda kadib gaba-gabada hannaanka deyn cafinta waxa uu la yeeshay dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali Bin Ahmed Al-Kuwari.




From the comments