Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba oo safar kusoo gaaray caasimadda Muqdisho.
Kulan dhexmaray labada mas’uul ayaa looga ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al-shabaab iyo in dowladda Uganda ay ka taageerto ciidanka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isagoo uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabadda Soomaaliya.




From the comments