Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa degmada Guriceel ku kormeeray cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo kasoo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen.
Ciidankaan ayaa hadda u diyaarsan inay ku biiraan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab eek a socda deegaannada Galmudug, gaar ahaan gobolka Mudug iyo deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka maqan gacanta maamulka.
Ciidankaan oo lagu kulmiyey xerada Harqaboobe ee duleedka degmada Guriceel ayay madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka, kuna daydaan geesiyaasha maalmihii lasoo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah ka dhigay gobolka Mudug.




From the comments