Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.
Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah aAl-shabaab deegaannada Galmudug looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda amniga Maxamed Cabdi Gaboobe oo maalmahaan furimaha ku sugnaa.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixin ku saabsan miisaaniyad sannadeedka 2024-ka looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug. Golaha wasiirrada ayaana dood dheer kaddib cod gacan taag ah ku ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka.




From the comments