Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in habeenimadii xalay kooxo hubeysan ay ku dishay ganacsade siweyn looga yaqaanay magaalada, kaas oo magacaabi jiray Xasan Xaaji Daahir.
Dilka loo geystay ganacsadaha ayaa ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, xilli kooxdii dilka fulisay ay goobta isaga baxsadeen, kadib markii ay dilka toogashada ah ee loo geystay marxuumka.
Marxuum Xasan Xaaji Daahir oo loo yaqaanay Xasan Nigeria ayaa mudooyinkii dambe dhismo dib u dayactir ah ka waday kaliga Waraaboole oo ka mid ah goobaha biya xireenada Baledweyne oo inta badan ku fataha magalada.




From the comments