Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ka daah-furay Shirka madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.
Shirkaan waxaa ka qeybgalay,mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda iyo , Wasiiradda Wasaaraddaha Gargaarka Dowladd Goboledyada Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed,Gobolka Banaadir iyo Wakiillo ka kala socda Beesha Caalamka oo qeyb ka ahaa shirka.
Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaalada bini’aadamnimo ee dalka, Xasilinta goobaha laga xoreeyey Al-shabaab iyo Xaaladda El-Niño ee wadankeenna ku soo wajahan, taas oo maalmihii dambe laga muujinayay digniino ku aadan in bulshada ay ka fooljignaadaan.




From the comments