Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa kala wareegay degaanno hoos taga degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ku suganaayeen Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidanku fuliyeen.
Howlgalkaan ayaa waxaa iska kaasjanayay ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana saraakiil u hadashay ciidanka ay sheegeen in Al-shabaab khasaare lagu qaarsiiyey iyo fariisinno halkaas lagu burburiyay.
Taliyaha ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Qoryooley Laba xiddigle, Cali Maxamed Aaden ayaa warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyeen Al-shabaabkii ku sugnaa.




From the comments