Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-Gauddud ku soo dhaweeyey Wasiiiro,Xildhibaano Saraakiil katirsan Maamulka goleyaasha maamulka, waxaana loosoo galbiyay gudaha magaalada Baydhabo.
Wafdiga Wasiirka waxaa qayb ka ah Wasiirada Warfaafinta dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasinka Warfaafinta Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale.




From the comments