Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Hiddaha iyo dhaqanka Amiir Bandar bin Cabdulcasiis Al Saud iyo Wasiirka waxbarshada dalkaasi Youssef Al-Bunyan.
Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa arrimaha hiddaha iyo dhaqanka iyo in ay is kaashi ka yeeshaan tayaynta waxbarshada asaasiga ah ee labada dal, xilli dowladda Sucuudiga muddooyinkii dambe ay xiriir fiican la laheyd dowladda Soomaaliya, tan iyo isbedelkii hoggaanka dalka.
Wasiir Faarax ayaa sidoo kale kulan la yeeshay guddoomiyaha xarunta howlaha gargaarka iyo bini’aadannimada ee Boqor Salmaan, Dr; Cabdalla Bin Cabdi Casiis Ar-rabiica, iyagoo ka wada hadlay sidii loo laba jibaari lahaa taageerada ay boqortooyada Sacuudiga u fidiso dowladda Soomaaliya




From the comments