Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay kulan ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo socon doona muddo laba maalmood ah.
Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha xeerka mideynta Cashuuraha, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta oo dhawaan la filayo in la soo gaba-gabeeyo oo maraya heerkii ugu dambeeyay.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo M. Janaqoow iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar C. Xaange ayaa si rasmi ah u furay shirka, wasiirka oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu muhiim u yahay shirkaan arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynt hannaanka canshuuraha, dhammaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.










From the comments