Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Md. Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarun Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo markii ugu horeysay ay si gaar ah u yeelanayso.
Munaasabadda dhagax dhiga oo goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Shiikh Muqtaar Rooboow ayaa lagu sheegay in dhismaha xaruntaan ay baahi weyn u qabto wasaaradda,si bulshada loogu adeego.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in qorsha ay ugu jirtay in la dhiso dhismo hab casri ah loo dhisayo oo ay yeelato wasaaradda, si isku tashi ah ay u dhisaneyso iyadoo aan cidnna wax loo weydiinin.




From the comments