Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in ciidanka Qaranku si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen Ciidanka howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS oo isaga baxay dhowr xarumood.
Qorshaha ka bixitaanka ciidanka ayaa waxaa uu qeybka yahay dhimista ciidankaan oo lagu wado in askariga ugu dambeeyo uu isaga baxo Soomaaliya dhammaadka sanadka soo aadan 2024, waxaana ilaa bisha Setember dalka isaga bixi doona ilaa 2000 oo askari sida la shaaciyay.
” Waxaan maanta halkan u joognaa inaan si rasmi ah aan u shaacino una sheegno inaan la wareegnay xarumihii ay banneeyeen labo kun oo ka mid ah ciidanka ATMIS,taas oo ah heshiiskii horay loo galay, waxaa xaqiiq ah walaalaheen ATMIS oo muddo nala joogay in ay shaqo wanaagsan nala qabteen, waqtina ay geliyeen amniga Dalka si ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni fiican”, ayuu yiri Wasiirka.




From the comments