Ciyaartoyda Xulka Qaranka ee 17-jirada ah ee Soomalaiya ayaa kulanka furitaanka Koobka qaramada Qaaradda Afrika la ciyaaray dhiggooda xulka qaranka Algeria oo sanadkaan martigalinaya.
Kulanka ayaa waxaa 10:00 pm ee habeenimo laga baastay Garoonka Nelson Mandela Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Aljaris, halkaas oo labada xul ay kusoo bandhigeen ciyaar wanaag.
Xulka qaranka ayaa ku guuldareystay inuu guul ku furto kulankiisa furitaanka, waxaana looga adkaaday 2 0 oo ay guushu ku raacday xulka martigelinaya ee Algeriga.




From the comments