Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA oo gacan ka helaysa Hay’adda gargarka bin’aadanimada u qaabilsan ee dowladda sacuudiga ee Boqor salaam ayaa maanta 800 Qoys waxa ay Gargaar ugu qeybiyeen gudaha xarunta degmada Abdicasiis Ee Gobolka Banaadir kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa qaba baahiyaha gaarka ah.
Mashruucaan oo ah Wajiga seddexaad Gurmadka Degdega ah waxaa qeyb ahaan fulinaysa hay’adda tadaamun kaas oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen Gargaarka la gaarsiiyey qoysaskaan ayaa iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka waxaana loogu talagalay in ay ku afuraan madaama lagu guda jiro 10ka danbe ee Bisha bareakaysan ee Ramadaan.
Hay’adda SODMA ayaa maalmihii ugu dambeeyay raashiin qeybin ka waday degaanno iyo degmooyin ka dhaca koontur iyo bartamaha dalka, kuwaas oo dhowaan laga saaray Ururka Al Shabaab. Rashiin qeybtin ayaa goobaha laga sameeyay waxaa ka mid ah Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool iyo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku dhufteen daadad xoogan oo ka dhashay roobab ka da’ay labadasi Gobol.




From the comments