Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa intiii lagu guda jiray Afurka waxaa qeybo kamid ah laga maqlay tiro qaraxyo ah, kuwaas oo siyaabo kale duwan uga dhacay dhor degmo oo caasimadda ah, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan sida ay wax u dhaceen.
Laamaha ammaanka dowladda ayaa sheegaya in qaraxyada dhacay ay ka ahaayeen kuwa lagu soo qariyay Baco, kuwaas oo la dhigay degmooyin caasimadda, waxaana ay sheegeen in looga gil lahaa in bulshada afuraysa lagu qalqalgaliyo, ee ku nool caasimadda.
Qaraxyada ayaa waxaa sidoo kale xigay rasaas xooggan oo inta badan ay riyadeen ciidamada, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegaayaan in ciidanka ammaanka ay bilaabeen howlgallo dheeri ah, magaalada Muqdisho ayaa deganeyd bisha Ramaadaan.




From the comments