Wararka naga soo gaarayo gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in Roobab Dabeylo wata oo saacadii lasoo dhaafay ka da’ayay gobolka ay sababeen khasaare dhimasho iyo burbur guryo, waxaana kasoo baxayay warar kale duwan oo ku aadan.
Magaalada Baardheere ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Roobab xooggan oo ka da’ayay xaafadaha degmada ay sababatay geerida 10 ruux, kuwaas oo u badanaa dhallinyaro, waxaana sidoo kale ku jira Caruur oo intaba ay waxyeeleeyeen Dabeylaha xooggan iyo Roobka is watay.
Maamulka degamada ayaa sheegay in Roobab xooggan oo da’ayay saacadihii lasoo dhaafay ay biyo dhigeen qaar kamid ah xaafadaha magaalada, haddana ay wadaan gurmad lagu samatabixinayo dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Roobabka iyo Dabeylaha iswata ee ka da’ayay degmada.




From the comments