Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ku soo gabagaboobay, shir muddo 4 maalmood ah u socday wasaaradaha Ganacsiga Dawladda Federalka iyo Dawlad Goleedyada, kaas oo gabahabadii laga soo saaray War-murtiyeed ku aadan, heshiiskii labada dhinac ay ka gaareen ajandaha Shirka.
Shirka ayaa goobjoog aWasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirrada Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedyada; Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo mas’uul ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo shirka ku matalay maamulka gobolka.
Intii shirka uu socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo mas’uuliyiinta madasha ku sugnaa ay heshiis ka gaareen inta badan qodobadii la isku soo qaaday, waxaana gabagabadii shirka laga soo saaray War-murtiyeed ku aadan qodobadii la isku afgartay muddadii shirka uu socday oo aheyd 4 maalin, iyadoo laga hadlay:




From the comments