Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba eedeysane, kuwaas oo lagu eedeeyay dilal ay horey u geysteen, labada shakhsi ee toogashada lagu fuliyay ayaa ahaa askar ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud ayaa waxaa laga oofiyay qisaasta marxuum Xasan Maxamed Shire oo ay wa wada ciidanka Booliiska Soomalaiyeed, maxkamadda oo kiiskaan dacwadeed u fariistay ayaa xukun dil ah ku ridday oo ah qisaasta marxuumka la dilay.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo ahaa askari Booliis ah Boliiska ku fulisay dil toogasho oo looga oofiyay qisaasta Marxuum Cabdi Xakiim Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay xilliga uu dilka u geystay isaga oo xiran dharka ciidanka.




From the comments