Warar kale duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin oo Saakay lagu weeraray guriga taliyaha Nabad sugidda degmada Deyniile ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cali Waqooyi oo deganaa xaafadda Saban Saban, halkaas oo ku dhow xerada Kulyadda Jaalle Siyaad.
Qaraxyada oo jugtooda siweyn loo maqlay ayaa inta badan sababay khasaare dhaawac ah, waxaana la sheegayaa in dadka dhaawacmay ay ku jiraan taliyaha Nabad sugidda degmada, taliyihii hore ee xilkaas soo qabtay Cumar Cabdi Fiidow iyo askar ilaalo u aheyd saraakiisha la weeraray.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dad la daris ahaa guriga la beegsaday ay soo gaareen dhaawacyo kale duwan ay kasoo gaareen qaraxyada, ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa bilaabay baaritaanno ku aadan weerarka lagu qaaday guriga taliyaha Nabad sugidda degmada.




From the comments