Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta musiibooyinka Qaran Mudane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya danjire Abdullahi Bin Salem Al Nuaimi, xilli guddoomiyaha uu booqasho ku tagay xarunta saafaradda dowladda Qatar ay ku leedahay Muqdisho.
Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaarada dowladda Qatar ee muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladaha dhanka abaaraha ee ka jira Soomaaliya iyo doorka dowladda Qatar ee sidii ay kaalinteeda uga qaadan laheyd la tacaalida arrimaha abaaraha ku dhftay dalka oo saameeyay.
Kulanka ayaa waxaa si gaar ah loogu gorfeeyay Gargaarka iyo Mashaariicda Hormarineed ee dalka ay ka wado Qatar iyo sidii loo laba jibaari lahaa, garab istaaga shacabka Soomaaliyeed, oo xilligaan la daala dhaca abaar ku dhutay,taas oo saameysay dadka iyo duunyada intaba gobollada Koonfurta Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya oo isku mid ay u saameysay.




From the comments