Bernard Arnault, oo ah guddoomiyaha shirkadda weyn ee alaabada raaxada ee Faransiiska LVMH (LVMHF), ayaa hadda noqday Yurubiyaankii ugu horreeyay ee ka soo muuqda liiska koobaad ee Bloomberg oo shakbakad ka faaloota dadka ugu qanisan adduunka.
Arnault oo 71 sano jir ah ayaa u dhashay dalka Faransiiska, waxaana uu noqday ninka kaalinta koowaad kala baxay Elon Musk oo muddooyinkii la soo dhaafay ahaa shaqsiga ugu hantida badan dunida.
Ninkan ayaa Hadda qiimiha lacagta uu haysto ay tahay $171 bilyan, hantida Arnault ayaa dhaaftay hantidii madaxa shirkadda Tesla Elon Musk oo hadda haysta $ 164 bilyan sida laga soo xigtay Tilmaanta Billionaires ee Bloomberg.




From the comments