Hey’adda Maareynta Musiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniino ku aadan Roobabka la filayo in ay dalka ka da’aan Todobaadka sedexaad ee bisha November 2022 inta lagu jiro 15-ka bisha ilaa 20-ka.
Hey’addu waxaa ay sheegtay in Todobaadkaan ay Roobab ka di’idoonaan gobollada Waqooyi Bari iyo gobollada dhaca Koonfurta Soomaaliya, iyadoo xustay in haddii sida la rabo ay u da’aan ay sababi karaan khatarro fatahaado ah.
Gobollada Bari Bokool, Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose, jubbada hoose iyo Mudug ayaa waxaa la muujinayaa in ay dhalin karaan Fatahaado ay sameeyaan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo mara qaar kamid ah gobollada dalka.





From the comments