Ciidanka xoogga Soomaaliyeed dalka oo maalmihii ugu dambeeyay howlgallo ka waday gobolka Shabeellaha dhexe ayaa maanta la wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga degmada Raagaceelle, ciidanka ayaa gudaha u galay deegaanka oo kamid ah saldhigyadii ugu waaweynaa ee Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka.
Ciidankaan oo muddooyinkii dambe isku uruursanayay deegaan xeebeedka Cadale, oo ku jiray abaabulkii ugu dambeeyay ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan deegaannada gobolka Shabeellaha dhexe ay kaga sugan yihiin Al-shabaab, qeybo kamid ah Hiiraan iyo sidoo kale gobolka Galgaduud qeybo kamid ah sida loo qorsheeyay ciidankaasi.
Deegaanno dhowr ah oo u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar ayey ciidanku horay ula wareegeen gaar ahaan Gololeey Daa’uud, Deegaanka Xawaadley, Baadiyaha Qalimow, Basro, Shanlow Mareerey, Maqdas Baaney , Buulo-doonka, oo dhammaantood ka tirrsan gobalka Shabeellaha dhexe, kuwaas oo ay horay ugu sugnaayeen Al-shabaab.




From the comments