Golaha deegaanka degmada Balanbale ee gobalka Galgaduud ayaa doortay guddoomiyaha iyo kuxigeenka guddomiyaha cusub ee degmada kadib doorasho ka dhacday xarunta degmada.
Cabdiazis Xaashi Cali ( Iraad) ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha degmada Balanbale kadib doorasho ay qabteen golaha deegaanka, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad gobaleedka Galmudug.
Halka Jaamac Muxumad Diini, loo doortay guddoomiye ku-xigeenka degmada Balanbale ee gobalka galgaduud.





From the comments