Saraakiil kamid ah ciidamada militeriga ee dalka dhaca galbeedka qaaradda Africa Burkina Faso, ayaa sheegay in ay talada dalka kala waregeen hoggaamiyihii sagaal bil ka hor dalka Afgambiga ku qabsaday.
Col. Paul Henri Sandaogo Damiba, ayaa laga tuuray kursiga waxaana saraakiisha dalka la wareegtay ay sheegeen in ay gacanta ugu jirto dhammaan dalka, ayna sameynayaan qorshayaal lagu maamulo Burkino.
“Iyada oo la waajahayo xaalad amni oo ka sii daraysa, ayaa arrintaasi nagu dhiiri gelisay, haddaanu nahay saraakiisha sarsare iyo saraakiisha hoose ee ciidamada milaterigu, inaanu tallaabo qaadno, annaga oo rabna inaanu ilaalino amniga iyo sumcadda dalkayaga, “Kulan ayaa la isugu imaan doonaa si loo ansixiyo axdi cusub oo ku meel gaadh ah, laguna soo xulo madaxweynaha cusub ee Burkina Faso ha ahaado rayid ama mid ciidan” ayuu yiri Capt. Kiswendsida Faaruuq Azaria Sorgho, oo ah afhayeen u hadlay militeriga talada la wareegay.




From the comments