Tababar socon doona muddo todobaad ah oo kor loogu qaadayo hufnaanta maamulka hantida booliiska ayaa uga furmay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Waxaa ka qeyb galaya toban sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliye oo ka socda waaxda saadka, tababarkaan kobcinta awooda waxaa ka taageeraya Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ee hoos imaanaya barnaamijkeeda Dib-u-habaynta Booliska, Dib-u-habaynta iyo Horumarinta.
Daah-furka tababarka ayaa waxaa si wada jir ah u gudoominayay Maj. Gen. Mohammed Dore oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS.




From the comments