Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladd federaalka ah Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqadir, ayaa sheegay in wasaaradda ay joojisay lacagihii ay ka qaadi jirtay ardayda soo dalbaneyso shahaadada.
Faarax ayaa sheegay in aysan hadda kadib wasaaradda waxbarashada aysan wax lacag ah ka qaadi doonin ardayda dooneysa shahaadada dugsiga sare ee dalka.
“Maadaama Shahaadada iyo Imtaxaanka ay yihiin howl ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada, in laga bilaabo maanta aanay Wasaaradda Waxbarasshadu wax qarash ah aanay ka qaadeynin Shahaadada Ardeyda dugsiga Sare” sida uu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir.




From the comments