Ciidanka daariishta gobolka Shabeellada hoose iyo qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Ayaa Maanta Al-shabaab kala wareegay gacan ku haynta deegaannada Jambaluul iyo Kaxarow oo dhanka qoraxsin kaga Beegan Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeekaha Hoose, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Ciidanka ayaa sheegay intii howlgalku socday in ay burburiyeen Maxkamad ku taalay Deegaanka Jambaluul oo Al-shabaab ay la haayeen, waxayna ciidanku soo bandhigeen sidoo kale agab kala duwan oo goobto yaallay, Al-shabaab ayaa isga deegaanka markii ay ka warheleen in cidanku ay kusoo wajahan yihiin, majirin dagaal culus oo ka dhacay.
Dhame xashii Maxamuud bullaale oo ah taliyaha ururka 1baad ee guutada 1baad daraawiishta gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana hogaaminaayay howlgalka ayaa sheegay in Ciidaka daraawiishtu ay Burburiyeen taliskii alshabaab Ee Deegaanka Kaxarow oo u dhow Jambaluul sida uu u sheegay warbaahinta dowladda uu la hadlayay.




From the comments