Goobjoog

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanno hoostaga gobalka Baay

Ciidamada xoogga dalka ayaa ururka alshabaab kala wareegay deegaanno hoostaga gobalka Baay oo ay horay ugu sugnaayeen kooxda. Howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen gobalka Baay, ayay kula…

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanno hoostaga gobalka Baay

Ciidamada xoogga dalka ayaa ururka alshabaab kala wareegay deegaanno hoostaga gobalka Baay oo ay horay ugu sugnaayeen kooxda.

Howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen gobalka Baay, ayay kula waregeen tuulooyinka Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame. Karanoy iyo Daawuudow.

Tuullooyinkaan ayaa hoostaga deegaanka Daynuunaay ee gobalka Baay, waxaana ciidamada xoogga weerarka garab socday ciidamada dadka deegaanka oo qayb ka ah howlgallada ka socda gobalada dalka.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments