Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaawaxaa ay shegayaan in Al-shabaab ay gubeen guryo ku yaalla deegaan hoostaga degmada Maxaas oo lagu magacaabo Ceel-jiiqoow, waxaa sidoo kale ay miino ku xireen ceel biyood kaliya ay dadka iyo duunyada ay biyaha ka cabijiyeen, warar kale duwan ayaa kasoo baxay xaaladihii ugu dambeeyay deegaanka.
Al-shabaab ayaa waxaa lagu soo waramayaa ka hor inta aysan gubin deegaanka ay dadka ku amreen in ay isaga baxaan, kadib iyaga oo dab qabasiiyay, Al-shabaab ayaa dhowaan sidaan oo kale u gubay tuulooyin hoostaga deegaanka Teedan, waxaana ay noqoneysaa markii labaad oo dhacdadaan ay ka dhacdo deegaan hoos taga degmada Maxaas ee gobolkaas.
Dhacdadaan ka dhacday deegaanka Ceel-jiiqoow ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo ciidanka dowladda federalka ah iyo kuwa deegaanka ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay kawadaan deegaannada u dhaxeeya Maxaas iyo Matabaan, iyadoo ay jirto in dhowaan Al-shabaab ay gubeen gaadiid ka baxay magaalada Baladweyne oo kusii jeeday degmada Maxaas GH.




From the comments