Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Ali Xaaji Aadan oo ay Wehilnaysay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dr. Maryama Mohamed Husse, ayaa maanta xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay Wafdi ka socday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO gaar ahaan xafiiska Bariga iyo Bartamaha.
Wafdiga ayaa ka koobnaa madaxa WHO ee Xafiiska Soomaaliya Mudane Mamnuur Rahman Malik, iyo Qubaro kale oo ah xeeldheerayaal Caafimaad, waxaanna sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa oo wfadiga wehliyay khubaro dib u eegaysa guulaha ay Soomaaliya ka gaadhay Adeega Caafimaadka Aasaasiga ah iyadoo loo eegayo halbergyada Caalamiga ee Caafimaadka loo dhanyahay ee Universal Health Coverage (UHC)
Wafdiga ayaa kulan socdey saacado la qaatey Madaxda ugu sarsarayso Wasaaradda si loogu kuurgalo hawlaha Caafimaad ee ka socdo Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Waxaanna sidoo kale jiri doono booqasho shaqo oo ay ku tagi doonaan xarumaha Caafimaadka sida Isbitaalka DeMartini, Iyo Shaybaarka dhaxe ee Qaranka




From the comments