Ciidanka xoogga dalka oo kaashayana dadka deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah, kuwaas oo hoos taga degamada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, taas oo muddo dhowr iyo Toban sano ah u go’doonsaneyd xooggaga Al-shabaab, ciidanka ayaa howlgalka ay fuliyeen waxaa ay ku gaareen ilaa iyo 5 deegaan, oo ay ku sugnaayeen Shabaabka.
Ciidanka ayaa waxaa ay gaareen deegaannada kala ah: Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan, howlgalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaan Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, isaga oo ku sugnaa gobolka muddooyinkaan.
Xildhibaanka oo la hadlay dadka deegaanka Abooreey ayaa sheegay in ay aqbaleen baaqii madaxweynaha, waxaana uu uga mahadceliyay taageerada ay siiyeen ciidanka dowladda” Shacabka Abooreey waa ku mahadsan yihiin in ay aqbaleen baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, ee ahaa in la iska dhiciyo cadowga, Abooreey oo 13 sanno go’doon aheyd ayaa maanta cadowga argagixisada Al shabaab laga saaray” ayuu yiri xildhibaanka.




From the comments