Waxaa maanta loo fadhiistey Imtixaanka Qabuulka ee Deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation, oo ah Deeq waxbarasho Jaamacadeed oo sanadle ah, oo loogu tartamo si daahfuran .
Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Abdulahi Nuur Cismaan oo ugu horeyn Goobta ka hadlay ayaa sheegey in Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation ay sanad kastaa waxbarasho Jaamacadeed siiso 120 ardey, iydoo loo galo Imtixaan daahfuran oo dajiyaan, Isla markaana Saxaan Aqoonyahano ka madax banaan Hormuud Salaam Foundation.
Asagoo sheegey in Imtixaanka HSF uu yahay Imtixaan loo saxo si waafaqasan nidaamka Imtixaanada Caalamiga Gudoomiyaha ayaa sheegey in ardeyda maanta u fadhiisatay Imtixaanka aay hore isugu diiwaan geliyeen hab online ah, taasoo aay ka sii horeeysey ogeeysiin, qaadatay mudo Usbuuc ah, dhank kale Gudoomiyaha ayaa sheegey in Barnaamijka deeqda waxbarasho ee HSF uu yahay nidaam loogu talo galay in lagu daydo, oo tusaale wanaagsan ah.
Agaasimaha Hey,adda Dhaxalreeb, Prof Abdi Axmed Baafo, oo goobta ka hadlay ayaa aad u amaanay habka HSF aay usoo gaasintay Imtixaanka deeqdaan waxbarasho, taasoo ah in si furan loogu tartamayo, dadkana loo ogeeysiiyey si furan, oo aysan jirin in si gaar ah loola dhuuntay, waxaana uu ugu baaqay dhammaan inta bixiya deeqaha waxbarasho aay ku deydaan HSF, oo si daahfuran ugu soo bandhigaan ardeyda Soomaaliyeed furasyada deeqda waxbarasho ee aay maamulaan.





From the comments