Dowladda Albania, ayaa gebi ahaanba xiriirkii diblomaansiyadeed u jartay Tehran kadib markii ay ku eedeysay in ay Iran ku lug laheyd weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu qaaday kaabayaasha dhaqalaha dalkaas.
Edi Rama ra’iisulwasaaraha Albania, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa muddo 24-saac ah ay isaga baxaan dhammaan shaqaalaha iyo diblomaansiyiinta reer Iran ee ku sugan gudaha Albania.
Website-ka rasmiga ah ee xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaa lagu sheegay in Albania, ay heeyso cadeymo muujinaya in ay Iran ka dambeysay weerarro lagu qaaday July sanadkaan kaabayaasha Internet-ka ee Albania.




From the comments