Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Malaysia Mahathir Mohamad, ayaa la dhigay isbitaal ku yaallo magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur, kadib markii laga helay xanuunka corona virus.
Mahathir ayaa malaysia hoggaaminaye intii u dhaxeysay july 1981 illa October 2003, waxaana markale loo doortay ra’iisulwasaaraha dalka Malaysia intii u dhaxeysay sanadihii 2018 illa 2020.
97 sano jirkaan ayaa ehelkiisa ay xaqiijiyeen in baaritaanno lagu sameeyay kadib laga helay safmareenka Covid-19, waxaana xaaladdiisa caafimaad hadda lagula tacaalaya isbitaal ku yaalla Kuala Lumpur.




From the comments